Samen Leren voor ouders - Somalisch

Waa maxay micnaha Samen Leren?
'Samen Leren' waxa weeye 'In si Wada Jirta Wax loo barto' waana caawimo ay guriga caruurta waalidku wax ku baraan si koox kooxa 1 ilaa 4 caruur ah oo dhigta dugsiga hoose.

Maxaad rajaynaysaa.

  • Caawinta guriga laba jeer todobaadkii
  • Ka qayb qaadasho bilaasha ah
  • Kulanka macalinka iyo  waalidka
  • Khaanada gaarka ah ee macluumaadku kujiraan

Samen Leren waxaa loogu talagalay waalidiinta carruurta leh kooxaha 1 ilaa 4 ee dugsiga hoose kuwaasoo doonaya inay ka caawiyaan horumarinta dugsiga ee ilmahooga/caruurtooda.
 Tusaale ahaan:

  • Ilmahaygu kuma wanaagsana xisaabta, sideen u caawin karaa?
  • Sidee ayaa ooga dhigaa ku tababarashada guriga mid xiiso uleh?
  • Ilmahaygu wuxuu ku qabaa dhibaato xaga awood saarista ah, maxaan qaban karaa si aan u caawiyo?
  • Waxaan doonayaa inaan kala shaqeeyo ilmahayga erayada cusub, lakin si wanaagsan uguma hadli karo afka Dutch-ka. Maxaan ku qaban karaa guriga?

Waa ayo shaqaalaha caawintu?
Waxaan leenahay koox wanaagsan oo aqoon leh. Waxay wax badan ka yaqaanaan koritaanka caruurta iyo waxkasta oo iyaga u muhiim ah.
Waxaan sameynaa wax walba iyadoo lagu saleynayo xukunka ah in horumarka carruurta la wanaajiyo marka xirfadlayaasha iyo waalidiintu ay wada shaqeeyaan.

Isdiiwaangeli
Hada iska diiwaangeli SamenLeren.net.

Brede School Gouda