Sleutelpersonen voor ouders - Somalisch

Shaqaalaha muhiimka ah ee waalidka

Waxbarashadu markasta si dabiici ah uma timaado. Mararka qaar waxaad ku hadlaysaa luuqad kaa duwan oo mana garanaysid dhaqanka dadka kale.. Waxbarashada Netherlands waxay sidoo kale noqon kartaa wax cusub. Dugsiga Brede waxay isticmaalaan Shaqaalaha Muhiimka u ah Waxbarashada markaa qoysaska asalkoodu qaxootiga ahaa iyo xirfadlayaashu midba midka kale si fiican ayuu u fahmi karaa. Shaqaale muhiim ah kuwaasoo ku hadlaya luuqada dhaladka ah ee qoyska ayaa la kulmi doona iyaga marka horeba. Markaa waxaad samaysan kartaa balan si aad ugala hadasho dugsiga waxyaabo ku saabsan ilmahaaga, waxay u baahanyihiin iyo inaad waydiiso su'aalo kale oo aad rabtay inaad waydiiso dugsiga.

Waxaan leenahay sagaal shaqaale oo muhiim ah:

  • Amber oo kasoo jeeda China
  • Ahlam iyo Souad oo kasoo jeeda Morocco
  • Amina iyo Jomana oo kasoo jeeda Syria
  • Maria iyo Ewelina oo kasoo jeeda Poland
  • Yodit oo kasoo jeeda Eritrea
  • Nasra oo kasoo jeeda Somalia
  • Elena oo ka timid Ukraine

Haddii aad jeclaan lahayd inaad codsato caawimada shaqaale muhiim ah, fadlan weydii khabiirka la shaqeeya ilmahaaga ama u soo dir iimayl: sleutelpersonenonderwijs@bsgouda.nl.
Waxaad sidan ku samayn kartaa luuqadaada hooyo.

Brede School Gouda